hadhaa didib
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hadhaa didib
Hum

Dhadhaab fiiq
Dyke
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hadhaa iftiin
After-glow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadixid
m.f.dh eeg adaadax².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badbaadid
-da: (n) survival (sar vaay val); the act or process of surviving ~ badbaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadid
-da: (magac, dhedig, keli) nabadgalka laga nabadgalo dhibaato iyo col. Badbaadidda lama gartee, Allow adu noo jidbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhi
(fal) barwaaqo iyo liibaan gaadhsii. Badhaadhi Allahayow maatida baradu ka xumataay. Dh: baraari, barwaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabjidib
-ka: (magac, lab, keli) qori dheer co madaxa hore buuran, loo yeelo dalool la geliyo faaska xaabada lagu jeexjeexo. Daabjidibka ila soo carar aan faaska geliyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaarid
-da: (magac, dhedig keli) hadhuudh iyo wax la mid ah, biyo u galid oo dhadhan iyo urba isbeddelid.
haddaarid -da: (magac, dhedig keli) caajis iyo daal dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhgalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel hadh leh tegid. Kolka kulayl jiro xooluhu hadhgalidda way yagaanniin. Dh: hadhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halgaadid
(Halgaadid-da)
Wax gacanta ku qabasho oo meel fog ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgaadid
m.f.dh eeg halgaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaadid
-da: (magac, dhedig, keli) waran, dhagax iyo wixii la mid ah, ku tuurid ama ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halqaadid
m.f.dh eeg halqaad². la-mid: halqaad¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadid
(Harraadid-da)
Biyo la cabbo u baahasho; oomid; asqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadid
m.f.dh eeg harraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadid
-da: (magac, dhedig, keli) mid oomman oo harraaday ahaan. Dh: harraadis, asqoobid, oomis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaadid
m.f.dh eeg shahaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaadhi
(fal) kala hadal; si cabsiyi ku jirto u hantaatac. Dh: wataatac.
wadhaadhi -ga: (magac, lab, keli) hadal is dhec yaac ah oo uu ku hadaaqo qof cabsanaya ama argagaxsani. Wadhaadhiga jooji oo calool adkaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhaadhi
(fal) qof sumoobay ama bahali qaniintay dawo sii. Dh: balaladi, xaraari.
xadhaadhi: (fal) sumayn aan lagu dhiman ku samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) liibaan helid; farxad iyo raynrayn ku jirtid. Dad iyo duunyo ba badhaadhid Allow na gaadhsii. Dh: baraarid, lii, barwaaqoobid, rayrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) liibaan gaadhsiin; barwaaqo iyo ladnaansho gaadhsiin. Badhaadhin ma helo ninkii caasiyee beenshay Nebigiiye. Dh: baraarin, barwaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqoobid oo liibaanid. Dh: badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhaarid
m.dh la-mid: dhardhaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cunta dabka saarid oo karinteeda bilaabid. Xilligii dhadhaaridda qadada ayaa gaadhay. Dh: bilaabid
dhadhaarid -da: (magac, dhedig, keli) is maqiiqid oo yool saaniya isku sii dayn. Is dhadhaaridda maalinba qof aad isku dhadhaarayso iska daa oo shagayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaadiir
-ta: (magacwadareed) quruurax yaryar oo sidii kubadda u malaasan oo ay carruurtu u ciyaarto siyaabo kala duwan. Dh: fataatiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaadumid
(Hadaadumid-da)
Ka caloolduubasho; ka quusasho; dalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaadumid
m.f.dh eeg hadaadun². la-mid: hadaadun¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaadumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la naawilayey oo la waayey ka samrid, ka caloolduubasho. Dh: quusasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hadhaa kul
After-heat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaadhac
(fal) hantaatac; calaacal; nuunaas.
hadhaadhac -a: (magac, lab, keli) hantaataca; calaacalka iyo nuunaaska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaadhyo
-da: (magac, dhedig, keli) nooluhu dhaqdhaqaaq uu sameeyo oo uu carrabka soo saaro ubucduna ay highiglayso kulaylka cimilada daraaddii. Dh: hadhhadhyo, haraaryo, hiraanhir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaddaadiic
-da: (n) coin (koyn)-, metal money; changes of money ~ quruush, sannuud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddaadiic
-da: (magacwadareed) lacagta inta macdanta ah. Kun faran qaddaaddic iiga dhig. Dh: dhuruuri, shilimaad.
qaddaadiic-da: (magacwadareed) xoogaa lacag ah oon badnayn. Qaddaadiic ii hadhay ayaan dhar ku iibsaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof bahali qaniintay ama sumoobay wax xadhaadhka bi'iya siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-haadid
hąad-hąadid: m.f.dh eeg hąad-hąad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haad-haadid
-da: (magac, dhedig, keli) duulduulid; eedaadid; leelleelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Habar Gidir
f. n. clan name
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaadhyoo
(fal) kulayl daraaddii, harraad la lulan adiga oo carrabka soo saaraya oo ruxmaya, meel hadh ahna doonaya inaad fadhiisato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaadhacid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadhaandiid
-ka: (magac, lab, keli) qof in qaadhaan laga qaado diida; baaho diid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kala hadlid; hantaatac cabsi ah ku hadaaqid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badhaha cirka
Celestial equator
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hadhaa humaag
After-image
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaanhadhyo
-da: (magac, dhedig, keli) dareenka marka qofku bacad joogo ee uu harraado. Waaberi hadhaanhadhyo darteed ayuu hadli kari la'aa. Dh: harraad, hadhsasho.